Wararka naga soo gaaraya wadada Nasiib Buundo ee degmada Shibis ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Shil Gaari oo Khasaare geystay.
Shilkaan ayaa dhacay saakay aroortii, waxaana la sheegay in uu rogmay Gaari weyn oo siday shaqaale.
Dad badan ayaa ku dhintay Shilkaasi, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka.



