Xiisadaan dagaal ayaa saaka waxaa ay ka taagan tahay deegaanka Jiicle oo hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo dadka ku nool ay sheegayaan inay casbi muujinayaan.
Xiisadaan ayaa daba socota kadib markii Khamiistii shalay gelinkii dambe deegaankaas lagu dilay Ruux oo la sheegay inuu ahaa Xoolo Dhaqato.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilkaas uu la xiriiro aanooyin qabiil,isla markaana xiisad u dhaxeysa maleeshiyaad kasoo kala jeeda kuwa wax dilay iyo kan la dilay ay saakay ka taagan tahay dulkeedka Balanbale.
Maamulka degmada Balanballe iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin dilkii ka dhacay degmada Balanballe,hayeeshee waxaa la filayaa inay halkaasi tagaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaan qeybta 21aad.
Dhawaan ayay aheyd markii hehsiis la kala dhex-dhigey maleeshiyaadka beelo ku dagaalamay duleedka Balanbale,kuwaas oo kasoo kala jeeda guriceel iyo Balanbale,balse ay u muuqato inay dib u soo laabaneyso.



