Dhageyso:-Deni oo sheegay inay bilaabayaan xalinta khilaafka dowladda & Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay ka qeb-qaadaashada xalinta khilaafka xilligaan u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay Deni in Puntland ay mar walba horseed u tahay howlaha federaalka ee socda,isla markaana cid kasta oo diidan wixii ka dhacay Kismaayo ha ahaato dowladda Federaalka iyo kuwa kale ee ku sugan Kismaayo inay diyaar u yihiin inay isku soo dhaweeyaan.

“Puntland waxaa ay diyaar u tahay inay maamul goboleedyada oo dhan inay garab istaagto sida aad horay u ogeydeen,doorweyn ayaana ka qaadaneynaa,waxana rajeynayaa in khilaaf kasta oo taagan sigaar ah kan u dhaxeeya dowladda & jubbaland in laga gudbi doono, laba qof ayaa hadda ii muuqdo balse an miisan ku laheyn Kismaayo ayuu yiri” Siciid Deni.

Hadalka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa imaanayo xilli weli uu taagan yahay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya dowladda Federaalka & Maamulka Jubbaland taas oo xoogeysatay, kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe.