Xiisad ka Taagan Magaalada Garowe & Shacabka oo barakacaya

Magaalada Garowe ee Caasiamda  Dawlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ka  taagan Xiisad dagaal oo u dhexeysa  Madaxweyne Deni  iyo siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland.

Wararka ka imaanaya Magaaladaas ayaa sheegaya in labada dhinac ay bilaabaeen Hub Aruursi  iyo in ay Magaalada Garowe ku soo daabuulaan Gaadiid dagaal Ciidamo u badan maleeshiyo Beeleedyo oo midba midka kale doonayo in uu dagaalka u Adeegsado.

Shacabka ku nool Magaalada Garowe ayaa durba cabsi xooggan ay soo wajahday kuwqaas oo  baqdin ka muujinaya in lagu dul dagaalamo islamarkaana bilaabay  ka barakacaan Magaladaas.

Dallada Mucaaradka Mucaaradka Puntland ayaa ku Eedeysay  Madaxweyne in in kabadan 40 Gaadiid oo kuwa dagaalka  ah uu ka soo daabulay Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari kuwaas oo haatan ku sugan degmada Qardho si uu ugu adeegsado colaada uu ka hurinayo Magaalada Garowe ee casimada Puntland

Dhinaca kale  Ururada Bulshada Rayidka Puntland ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Xiisad  Colaadeed ee ka taagan Magaalada Garowe una dhexeysa Maamulka Madaxweyne Deni iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah  iyagoo ku baaqay in laga fogaado wax walba oo isku dhac keeni kara wadahadalna lagu dhameeyo  khilaafka taagan

Si kastaba Colada u dhexeysa Xukuumadad Puntland ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyoSiyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku soo aadeytsa Xilli Madaxweynaha Puntland lagu Eedeeyay in qobashada doorasho qof iyo cod uu ku raadiunayo Muddo kororsi.