Xiisad dagaal ayaa weli ka taagan tuulooyin hoostagga Magaalada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, taasi oo u dhaxeysa Maleeshiyo Beeleed hubeysan oo ay halkaasi ku dagaalamay.
Maleeshiyaadka ayaa shalay Gubay tuulooyin Hoos yimaada degmada Balcad ,waxaana la sheegay in dagaalkooda uu salka ku haya arimo ku aadan dhul daaqsimeed.
Waxgarad kasoo kala jeeda labada dhinac ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu hakinaayo Colaadaasi kasoo cusboonaaday gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo.
Dagaalkii Shalay ka dhacay Tuuladda Jameeca Misre ayaa waxaa ku dhintay 4 qof sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay 10 qof.


