Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jiraan laba qof oo rayid ah Qarax ismiidamin ah oo u muuqday in lala beegsaday kooxda tirakoobka magaalada Lahore ee dalka Pakistaan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ammaanka dalkaasi.
Sidoo kale tobaneeyo qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.
Qarax ayaa ka dhacay Waddo muhiim ah oo ku taalla Magaalada Lahore ee Pakistaan , waxaana la sheegay in goobtaasi la Qarxiyay ay kasoo horjeedo xarun dadka lagu tirakoobo.
Wasiir ka tirsan dowladda Pakistaan ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa mid Argagixiso.
Malik Ahmad Khan oo ah afhayeenka xukuumadda ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in weerarku uu ahaa mid Ismiidaan ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka dhintay in ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan dowladda iyo sidoo kale dad Shacab ah.
Waxaa uu ku eedeeyay mas’uuliyadda Weerarkaasi kooxda Daacish.



