Oscar ayaa gaaray dalka Shiinaha si uu mustaqbalkiisa ciyaaraha kaga bilaabo kooxda lacagaha waalida ah ku iibsatay ee Shanghai SIPG.
Xiddigii hore ee Chelsea, oo 25 jir ah, ayaa noqday ciyaaryahanka ugu weyn tariikhda oo ay iibsadaan kooxaha Chinese Super League kadib markii uu boos ka waayay kooxda Blues macalinka hogaamiya ee Antonio Conte.
Weeraryahanka reer Brazil Oscar ayaa jeebkiisa waxaa mushaar ahana ugu xaroon doona isbucii £ 500,000 iyadoo macalin Andre Villas-Boas uu doonayo xirfada ciyaaryahanka inuu guulo kaga sameeyo kooxda Shanghai SIPG.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa waxaa sidoo kale maanta soo dhaweyn yaab leh u sameeyay taageerayaasha kooxda uu ku biiray, Ganacsato iyo cimaamo gaar ah.
Chelsea ayaa xaqiijisay bixitaanka Oscar bishii December 23,waxaana lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay kooxda: “Chelsea Football Club iyo Shanghai SIPG waxay heshiis ka gaareen saxiixa Oscar.


