Xiddigaha Barcelona Oo Isku Dhex Canaantay Qolka Labiska Kulankii Ugu Danbeeyay Ee Champions League

Ciyaartoyda Barcelona ayay dood kulul ku dhexmartay qolka labiska ka dib markii ay guul dirqi ah oo 2-1 ah ka gaareen kooxda Slavia Prague ee Champions League habeenkii Arbacada.

Inkastoo kooxda Catalans ay ka badiyeen kooxda reer Czech hadana ma aysan soo bandhigin qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay.

Ka hor inta aysan shaqaalaha tababarka gelin qolka labiska, ciyaartoyda ugu waa weyn kooxda ayaa hadlay iyadoo hadaladii goobta laga yiri ay ka mid aheyd sida ay qortay jariirada Marca: “Kuma guuleysan karno Champions League haddii aan sidaan u ciyaarno.”

Prague ayaa barbareysay goolkii uu Barcelona hogaanka ugu dhiibay Lionel Messi ka hor inta aysan ku badinin gool uu iska dhaliyay Peter Olayinka.

Kooxda martida loo ahaa ee Slavia Prague ayaa heshay 24 darbo marka loo barbardhigo 13 oo ay heshay Barcelona.

Ka dib ceebihii ka soo gaaray Liverpool sannadkii la soo dhaafay iyo Roma sannadkii ka sii horeeyay, Messi iyo xiddigaha kale ee waa weyn ayaa doonaya inay qaab ciyaareedkooda sarre u qaadaan si ay ugu guuleystaan koobkii lixaad ee Champions League.