Kulamo Caawa ka socda Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka socda kulamo kala duwan oo ay garwadeen ka yihiin Odayaasha dhaqanka, islamarkaana lagu dhex dhexaadinaayo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta Ururka Ahlusunna.

Odayaasha dhaqanka ayaa la kulmay labada dhinac waxaana ay sheegeen in tabashooyinka ay qabaan xalin doono, islamarkaana aan loo baahneyn in xiisad laga dhex abuuro bulshada Magaalada Dhuusamareeb.

Dowlada Soomaaliya ay dadaal ugu jirta sidii uu ku shaqo bilaabi lahaa Guddigii ay Magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maanta Guddoon doortay, islamarkaana Ahlusunna ay kasoo horjeedo.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana inta badan Ciidamo dheeraad ah la geeyay meelaha ay jooggaan Ahlusunna Madaxdooda.