Xiddig Chelsea Ah Oo Aan Ogayn In Ajax Ay Laba Kaadh Casaan Qaadatay Kulankoodii Xalay Walow Uu Garoonka Ku Jiray Wakhtigaas

Saxeexa cusub ee kooxda Chelsea ee Christian Pulisic ayuu kasoo yeedhay hadal yaab leh kaddib kulankii ay xalay bar-bardhaca la galeen kooxda Ajax kulan xiiso badnaa oo 4-4 ugu dambayn kusoo dhammaaday.

Ajax ayaa mar kulanka ku hoggaaminaysay 4-1 balse kooxda tababare Erik Ten Hag oo u muuqatay mid dhammaan saddexda dhibcood qaadanaysa ayay waxyeeleen laba kaadh casaan oo ay ka qaateen Daley Blind iyo Joel Veltman.

Blind ayaa lagu ciqaabay qalad xun oo uu ku galay weeraryahan Tammy Abraham daqiiqadii 68-aad ee kulanka, Intaas kaddib ciyaarta ayaa lasii daayay iyadoo il-bidhiqsiyo kaddib casaan kale la siiyay Veltman oo kubad uu gacan ku taabtay rigoore lagu dhigay.

Iyadoo kulanku uu ahaa mid dareeno waali ah leh isla markaana in badan oo kamida la isku buuqsanaa ayuu Pulisic xataa aqoonsan waayay inay 9 xiddig kasoo horjeedeen oo aan kaliya hal ciyaartoy Ajax kaadh casaan ah laga siinin.

“(Rigooruhu) kulanka waxa uu ka dhigay mid sidii hore ka waalan waxaana uu na siiyay kalsooni badan si aanu u helno labada gool ee xiga”.

“Waxkasta waxay ahaayeen kuwo aan caadi ahayn, Xataa maan aqoonsan inay laba kaadh casaan qaateen daacad ahaantii, Waxay ahayd mid wax yar waali ah”.