Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la yeeshay siyaasiyiin Harti Abgaal ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha Harti Abgaal, kuwaas oo doonaya inay u tartamaan xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Sida ilo xog-ogaal ah ay sheegayaan, kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Hirshabeelle iyo loollanka ka socda ee ku aaddan hoggaanka maamulkaasi.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Risaala TV ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu siyaasiyiinta ka codsaday inay ka tanaasulaan qaar ka mid ah qorshayaashooda la xiriira u tartamidda xilka Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku muujiyay inuu u janjeero taageeridda Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), si uu mar kale u hoggaamiyo maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la sheegay inuu siyaasiyiinta ka codsaday inay taageeraan go’aan uu dhawaan ka gaari doono arrintan.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta la kulmi doono siyaasiyiin iyo Ugaaska beesha Xawaadle, si uu ugala hadlo go’aankiisa ku aaddan taageerada Cali Guudlaawe.

Kulamadan ayaa ku soo aadaya xilli uu si weyn u socdo loollanka siyaasadeed ee ku saabsan hoggaanka iyo mustaqbalka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyadoo siyaasiyiin kala duwan ay durba bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ku aaddan doorashada hoggaanka maamulka.

 

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh uu saameyn weyn ku yeelan karo jihada uu qaadan doono loollanka siyaasadeed ee Hirshabeelle.