Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda maanta ay ku sugan tahay Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ee kunool Kismaayo ee Cunaqabateynta la saaray ay tahay nasiib daro weyn in dowladda dhexe ay Shacabkeeda dhibaateyso.
Xasan sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ku eedeeyay in ay guud ahaan baalmaren Shuruucda dalka.
“Anagaa soo joognay 30sano oo burbur ah hadaad idinka kamaqneydeen ogaada waxaad heysaan waddadii lagu hungoobay oo lagu dumay kajooga”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Shacaka Muqdisho ayuu sheegay in nolosha ay ku adkaatay ka dib markii Wadooyinka laga xiray, islamarkaana hadda ay wajayaan Xaalad Adag oo ay macquul tahay in ay sababto kacdoon dadweyne.



