Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la dhaariyay

 

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Goor dhow loo dhaariyay xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqon doona inta uu nool yahay .

Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa  xilka Maanta loo dhaariyay waxaa uu yahay mid dastuuri ah, waxaana qof kaste oo soo noqda Madaxweyne uu xaq u leeyihiin in  uu baarlamaanka ka mid noqdo.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa noqonaya Xildhibaanka 276aad ee baarlamaanka Soomaaliya.