Halyeeygii hore ee xulka Argentine Diego Maradona ayaa waxaa uu sheegay inaysan macquul ahayn in Messi uu dib ugu soo laabto ciyaaraha xulka Argentine.
Xidiga shanta jeer ku guuleeystay abaalmarinta Ballon D’Or ayaa waxaa uu ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha kadib markii uu arkay Argentine oo guuldareesaneysa seddex Final oo xiriir ah.
Macalinkii hore ee Soa Paulo Edgardo Bauza ayaa dhawaan waxaa uu sheegay inuu ka fikirayo in Messi uu kusoo celindoono xulka , laakiin arintaasi ma aminsana Maradona.


