DHAGEYSO: Golaha Wasiirada oo maanta ka hadlay qodobo dhowr ah

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan.

Wasaarada amniga gudaha ayaa laga dhageystay warbixinta amniga kadibna waxey golaha u soo jeedisay in la ansixiyo siyaasadda dawladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada oo muddo 3 isbuuc ah horyaalay golaha, qaab siyaasadeedkaan ayaa ka hadlaya sida loo la dhaqmayo dadka ka soo laabta xagjirnimada, golaha wasiirada ayaana maanta si rasmi ah u ansixiyay qaab siyaasadeedka.

Wasaardda gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa golaha warbixin ka siisay howlgallo maalmihii la soo dhaafay Ciidamada DANAB ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada dalka.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya  Cabdicasiis Cabdi Xaaji ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobada ay ka hadleen golaha wasiirada.