Xaqiiqooyinkii laga diiwaan geliyay kullamada La Liga ee shalay illaa xalay.

Leganes 1-1 Atletico Madrid

Atletico Madrid weli gool lagama dhalinin qaybta hore ee ciyaarta waxaana ay kala simantahay Liverpool, Montpellier iyo Inter Milan. Dhammaan kooxaha kale ee horyaallada waaweyn qaybta hore ee ciyaarta gool waa laga dhaliyay.

Real Madrid 2-0 Real Valladolid

Ma jiro difaac dhaliyay rigoorooyin ka badan Sergio Ramos oo shan Rigoore ka dhaliyay shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.

Rayo Vallecano 2-3 Barcelona

Barcelona waxaa laga dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee bannaanka xerada ganaaxa laga soo tuurray xilli ciyaareedkan.

Barcelona waxa ay guul gaartay iyadoo goolal lagu leeyahay in ka badan kooxaha kale (12 dhibcood ayay sidaas ku heshay).