Kulamo saacado badan qaatay oo dhexmaray, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle, Ugaas Xasan Ugaas Rooble & Odayaasha Dhaqanka Beledweyne ayaa lagu guuleystay in xal laga gaaro Ciidamadii ka gadooday in Cali Guudlaawe uu tago Magaalada Beledweyne.
Kulamadaan oo uu horboodayay Ugaas Xasan Ugaas Rooble ayaa waxaa lagu heshiiyay in laga qaado Ciidamadii qabsaday Xarunta Maamulka , iyo xerada Gaaska 5-aad Militariga Soomaaliya ee lama galaay.
Wararka kulamadaas laga helayo ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in Ciidamada gadooday ee Xerooyinka la wareegay ay soo bandhigeen shuruudo ay uga baxayaan Xarunta, kuwaas oo ay kamid yihiin.
1:in aanan loo raacanin wax daalac ah, la bar tilmaameedsan, laguna soo oogin Kiisas Maxkameed.
2:In loo fasaxo Mushaaraad horey looga xayiray iyo darajooyin laga masuq Maasuqay sida ay sheegeen.
3:in dib loogu Celiyo xilal ay ka hayeen Ciidamada kala duwan oo si Sharci darro ah looga qaaday sida ay hadalka u dhigeen.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in shuruudahaas ay aqbaleen in la fulinayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax, iyo Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle, waxaana la faray Ciidamada ku sugan Xerada lama galaay iyo Xarunta lamagalaay inay dib ugu laabtaan Ciidamadii ay ka tirsanaayeen ee ku sugan Xerooyinka qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Maanta ayaa waxaa la filayaa Gelinka hore inay Ciidamada dib ugu laabtaan Xeryahooda, isla markaana Gudoomiyaha Gobolka, Duqa magaalada iyo Xafiisyadii kale ee Shaqadoodu istaagtay ayaa dib u howl bilaabaan maadaama Shaqooyinkooda ay hakad galeen maalmihii la soo dhaafay.
Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in aan weli laga heshiin in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago Beledweyne, balse kaliya laga heshiiyay Gadiidkii ay sameeyeen Ciidamada.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka taagnaa xiisad ka dhalatay safar la sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle ku tegi lahaa Beledweyne, kaas oo ugu dambeyn uu baaqday safarkiisa.



