Waxaa laga dayrinayaa xaaladda ay ku nool yihiin dad badan oo ka soo qaxay collaadda iyo abaaraha ka taagan Soomaaliya, kuwaas oo todobaadyadii la soo dhaafay gaarayay xeryaha qaxootiga ee waqooyi bari Kenya.
Dadkaas ayaa la sheegayaa in dhibaatadii ay ka soo carareen mid aan ka yarayn ay ku haysato xeryahaasi ay miciinka bideen, illaa iyo haatanna dadkaasi aan diiwaangelin, sidoo kalena aysan jirin cid gargaar gaarsiisay.
Qaar kamid ah dadkii ka barakacay dagaallada ka socda Soomaaliya ee dhawaan soo gaaray xeryaha qaxootiga dalka Kenya ayaa sheegay in xilligaan ay heysato dhibaato aad u culus, iyaga oo ka dalbaday dowladda Kenya iyo Hay’adaha caalamiga ah inay gurmad la soo gaaraan.
Xeryaha Qaxootiga dalka Kenya ayaa waxaa horay ugu noolaa qaxooti aad u farabadan oo Somaali ah, kuwaas oo dhowr jeer loogu hanjabay in xerooyinka laga xirayo, hayeeshee ay kasoo horjeesteen Hay’adaha Caalamiga ah ee dadkaasi meesha ku haya.



