Xaaf oo markii oo ka tegay Muqdisho u hambalyeeyay Axmed Madoobe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Islaam (Axmed Madoobe) oo 22-kii bishan loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ee afarta sano ee soo socota hogaamin doona.

Warqada hambalyada ee kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne xaaf oo Maanta la shaaciyay ayaa Axmed Madoobe loo diray 22-kii Bishaan oo ku beegneyd Maalintii loo doortay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweyne xaaf ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland inay wada-hadal ku xaliyaan khilaafka ka dhex-jira dibna loo soo celiyo wadashaqeyntii ka dhaxeya labada dhinac.

Hambalyadaan uu Madaxweyne Xaaf u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland oo Maanta la shaaciyay ayaa kusoo aadeysa xilli Maanta laba bil ku dhawaad uu Muqdisho ku sugnaa uu Madaxweyne Xaaf gaaray Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug.