Kulan ay Maanta yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka ayaa waxaa lagu iclaamiyay waqtiga la qabanayo doorashada Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Maxamed Islaam.
Golaha Wasiirada ayaa Magacaabay Guddiga qaban qaabada xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha Jubbaland, guddiigaas oo guddoomiye looga dhigay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere).
Sidoo kale Golaha ayaa ku dhawaaqay in Munaasadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ay ddici doono 26/9/2019 , iyada oo la faray Guddiga la Magacaabay inay dardar geliyaan howsha loo igmaday.
Hoos Ka Dhageyso Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Maxamed oo sharaxaya Go’aanada shirka.



