Wiil 16 jir ah oo iska casilay xil looga magacaabay Hirshabeelle

Jowhar-RisaalaFM- Wiil 16-sano jir ah ayaa iska casilay xil uusan awoodin maamulkeeda oo looga magacaabay Degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe, kadib markii Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle xilkaasi uu u magacaabay.

Faysal C/laahi Cumar oo dhigta Iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee Magaalada Jowhar, ayaa wuxuu sheegay inuu arkay warqad ka soo baxday Wasiirka arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo loogu magacaabay Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Gamboole.

Faysal ayaa sheegay markii uu arintaasi maqlay inay ku noqotay fajac iyo la yaab, kadib markii uu sheegay in magacaabista xilkaasi aan lagala tashan, sidoo kalena uu yahay arday dhigta Iskuul.

Wuxuu sheegay inuusan qaadi karin masuuliyadda intaasi la’eg ee xilkan culus loogu magacaabay wuxuuna intaasi ku daray in arrintan ay ku noqotay mid wal wal badan ku abuurtay.

“Aabahey ayaa Ugaaska degaanka la soo xiriiray, kadib aniga ayaa Siminaar la ii diray oo aan ka qayb galay, waxaan maqlay haddana in la ii magacaabay Gudoomiye ku xigeen Degmo, marka aniga waxaan cadeynayaa in aanan xilkaasi qaadi karin.” Ayuu yiri Faysal oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar.

Arintaan ayaa si wayn looga hadal hayaa degaanada Maamulka Hirshabeelle, iyadoo Bulshada ay si wayn ula yaaban yihiin.