Weriyeyaasha Risaala oo dib u helay xorrìyadooda

Howladeenadii iyo Shaqaalaha Warbaahinta Risaala Media ayaa xoriyadooda dib u helay, kadib markii si sharci darro ah ciidamo ka tirsan Booliska ay xoog ku galeen oo albabaada isugu dhufteen xarunta Risaala.

Taliyaha Booliska G/Banadir Macallin Mahdi ayaa raaligelin siiyay howlwadeenada Risaala Media, isagoo ka cudurdaartay falkii lagu xiray Warbaahinta iyo xariga loo geystay Howlwadeenada.

Weriyeyaasha la xiray ayaa waxaa ka mid ah:-

Maxamed Saciid Nuur

Xamdi Xasan Axmed

Liibaan Cabdullaahi Xuseen

Cali Ibraaahim Cabdullaahi Suxeyfa

Cabdullaahi Shariif

Ciidamada falkan sharci darrada ku kacay ayaa waxaa hoggaaminayay taliyaha checkpoint-yada ninka lagu magacaabo Cabdi Cali.

Maamulka Risaala Media wuxuu ugu baaqayaa dowladda Soomaaliya iyo qeybaha ciidamada inay dhowraan xoriyadda saxaafadda, ayna ka waantoobaan inay sii socdaan falalka soo noqnoqday ee lagu beegsanayo warbaahinta madaxa bannaan iyo saxafiyiinta, intii lala xisaabtami lahaa kuwa shaqadoodi dayacay.