Weriye Dabaashi oo ka mid noqday dadka ku geeriyooday qaraxa.

Allaah u naxariistee waxaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday Wariye Maxamed Abuukar Dabaashe oo ka mid ahaa wariyeyaasha muddo dheer ka howlgalayay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyay Idaacadda Risaala, muddo badan uu ka howlgalayay.

Wararka ayaa sheegaya in Wariyaha meydkiisa laga helay dabaqa uu haleelay qarax ee ka dhacay Isgoyska Xamar jajab ee Muqdisho.

Dhismaha ayaa ku bur buray qaraxa ka dhacay Isgoyska, iyadoona qaraxa uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Weli meydad hor leh ayaa laga soo saarayaa dhismaha uu qaraxa ka dhacay, iyadoona weli ay socdaan dadaalo lagu raadinayo dadka ku hoos jira dhismaha.