Weeraro ay geystaan Kooxaha Burcadbadeeda oo laga digay

Hay’adaha Caalamiga ah ee kor kala socda weerarada kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ayaa sheegay in ay wali jirto Khatarta kooxaha Burcadbadeeda

Waxaana ay hadda ka digayaan in ay dhacaan Weeraro kale , Maadaama Sanadkaan gudihiisa ay geysteen Weeraro badan.

Howlgalka la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda ee Midowga Yurub Sarkaal Sare oo ka tirsan ayaa Wargeys kasoo baxa dalka Mareykanka u sheegay in Maraakiibta Caalamiga ah ay uga digayaan Weeraro ay abaabulayaan kooxaha Burcadbadeeda.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay hoos u dhaceen Weerarada ay geysanayaan kooxaha Burcadbadeeda.

Maraakiibta Ganacsiga ayuu ugu baaqay sarkaalkaasi in ay xoojiyaan ilaaladooda gaarka ah.

Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ayaa bilihii lasoo dhaafay geystay Weeraro kala duwan, waxaana ay Afduubteen Maraakiib iyo doonyo Ganacsi.