Wararka Saaka naga soo gaaraya degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Xaaladda degaankaasi oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu dagaal ka socday ay Saaka degan tahay.
Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in ciidamada Ururka Ahlusunna iyo dhalinyaradda degaanka ay isku horfadhiyaan goobihii lagu dagaallamay.
Dhammaan dadkii kunoolaa degaanka ayaa barakacay, waxaana hadda degaankaasi ku sugan Maleeshiyaadka dagaallamaya oo keliya.
Waxgaradka Mudug iyo Galgaduud ayaa baaq deg deg ah kasoo saaray dagaalka Xeraale , waxaana ay nasiib daro ku tilmaameen dagaalkaasi.
Maanta ayaa lagu waddaa in halkaasi ay gaaraan Waxgarad ka kala yimid degaanada Galmudug.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay guddi u diri doonto degaanka Xeraale si loo soo ogaado waxa sababay dagaalka.



