Taliye isku casishay dil uu geystay Sarkaal Soomaali ah

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Minneapolis ayaa isku casishay dilkii uu geystay Sarkaal Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Nuur kana mid ahaa ciidamada Booliska Minneapolis.

Ka dib markii ay lagu eedeeyay inysan si deg deg ah wax uga qaban dhacdadaasi ayaa loogu baaqay in ay xilka ka degto , waxaana ugu dambeyntii ay ku dhawaaqday in ay iscasishay.

Janeé Harteau ayaa sheegtay in falka uu ku dilay Maxamed Nuur haweenay Caddaan oo u dhalatay dalka Australia uu ahaa mid naxdin badan, islamarkaana ay Magaalada ka maqneyd Markii falkaasi uu dhacaayay.

Justine Damond oo 40 jir ahayd Waxaa toogasho ku dilay Sarkaasi Soomaaliga ah , laakiin ka tirsan ciidamada Mareykanka ka dib markii ay shakisay , islamarkaana ay wacatay.

Dhacdadaasi ayaa muran badan ka dhex dhalisay Mas’uuliyiinta dalka Mareykanka, waxaana cabsi xooggan ay soo wajahday dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka kunool.