In ka badan 100 qof oo 26 ka mid ah ay caruur yihiin ayaa ku dhintay weerarada dowladda Suuriya,waxaa sidaasi sheegtay madaxa hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.
Michelle Bachelet ayaa sheegtay in weeraradan lagu qaaday isbataalo,iskuulo,suuqaq iyo foornooyiinka lagu hagaajiyo rootiga.
Ms Bachelet ayaa sheegtay in dhimashada dadkani ay qayb ka tahay “duqeymo isdaba joog ah oo ay fulinayaan dowlada Suuriya iyo wadamada taageera “, oo ay ka mid yihiin Ruushka.
Bartilmaameedka ka dhanka ah rayidka ayaa waxay intaa ku dartay in aysan ahayn kuwa si kadis ah ku dhacay.
Waxay sidoo kale ka digtay in kuwa fulinaya weeraradan lagu soo oogi doono dambiyo dagaal.



