SAWIRO: Wasiirka Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Hirshabeele oo Tartan kubada Cagta ka furay Bulo burte

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Maamulka Goboleedka Hirshabelle Mudane Cabdiqani Cabdullahi Hilowle Jeenyo ayaa degmada Bulo burde ka furay tartan kubada cagta ah oo u dhaxeeyo xaafadaha ay ka kooban tahay dagmadaas.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Garoonka kubada cagta bulo burte ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Dhalinyarada kan cayaaraha macalimiinta hogaamineyso kooxaha, dadweyne iyo masuuliyiinta maamulka dagmada Bulo burte.

Sidoo kale macalimiinta kooxaha  kubadda cagta ee Dagmada Bulo burte ayaa loo furay tababar kor loogu qaadayo tayadooda aqooneed ee dhanka cayaaraha iyadoo isla munaasabadaas loogu qeybiyay qalab isboortis toban kooxood ka hor inta aan la daah furin tartanka kubada cagta.

Tartanka kubada cagta ee laga daah furay Bulo burte ayaa kooxaha ka qeyb galayo oo waxa ay gaarayaan ilaa 10 koox oo ka kala socdo xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ee Maamul Goboleedka Hirshabelle Cabdiqani Cabdullahi Hilowle Jeenyo oo ka hadlay furitaanka Tartanka iyo tababarka macalimiinta ayaa sheegay in ay fursad u tahay dhalinyarada ku nool dagmada Bulo burte madaama loo qabtay tartan kubada cagta oo baaxad weyn.

Tartankan iyo tababarka ciyaaraha waxaa iska kaashaday wasaarada dhalinyarada ciyaaraha ee Hirshabelle iyo maamulka degmada Buloburde.