Weerar lagu qaaday Guriga gudoomiyihii hore ee Warta-Nabadda

Wararka Caawa Naga soo gaaraya degmada Warta-nabadda ayaa waxa ay sheegayaan in caawa Bambooyin lagu weeraray guriga gudoomiyihii hore ee Wartanabadda Deeqo Cabdulqaadir.

Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku dhaawacan tahay weerarka lagu qaaday Guriga gudoomiyihii hore ee degmada Warta-nabadda.

Afarta  qof ee dhawaacan tahay ayaa lagu soo waramaya in ay ka mid ahayeen dadkii kunoolaa guriga gudoomiyihii Hore Wartanabaddda .

Waa markii Afraad oo  weerar lagu qaado guriga gudoomiyihii hore ee Wartanabaddda Deeqo Cabdulqaadir.