Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaalia ayaa Risaala u xaqiijiyay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab in ay soo weerareen qeybo ka mid ah Afgooye.
Taliyaha Ciidamada Booliska Afgoye ayaa Risaala u sheegay in Shabaab ay soo weerareen meel banaanka ka ah Magaalada.
Waxaa uu sheegay in dagaal socday muddo kooban uu ka dhacay meel duleedka ah Afgooye,islamarkaana ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarkaasi.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gudaha galeen degmada Afgooye,islamarkaana halkaasi ay ka waddaan weerar.


