Wararka naga soo gaaraya Suuq Weyn ee Bakaaraha ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen Askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo dhex maraayay Suuq Weyn ee Bakaaraha .
Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarka ka dhacay Suuq Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay toogteen mid ka mid ah raggii ka dambeeyay dilka Loo geystay Askariga ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dadka goobjoogayaal ayaa ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in la toogtay mid ka mid ah Raggii dilka u geystay Askariga ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya wali faahfaahin kama bixin dilka maanta ka dhacay Suuq Weyn ee Bakaaraha.


