Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo maleeshiyaad ka tirsan ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay ku qaadeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.
Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah ugu dhacay guriga taliyaha maleeshiyaadka Xisbadda ee Al-shabaab u qaabilsanaa degmada Ceelbuur, islamarkaana waxaa la sheegay in halkaasi khasaare lagu gaarisiyay kooxda.
Wararka ayaa intaasi ayaa ku daraya in weerarka uu ahaa qorsheysan, islamarkaana lagu bartilmaameedsaday guriga uu ku sugna sarkaalka ka tirsan koxoda Al-shabaab, inkastoo weli aan la helin xogta khasaaraha inta uu la egyahay.
Maleeshiyaadka weerarka fuliyay ayaa la sheegay in kadib ay goobta ka tageen, islamarkaana ay kooxda cadaadis saartay shacabka ku nool degmada Ceelbuur.
Waa arrin adag in lagu dhiirado in degaan ay ku xoogan yihiin Shabaab la weeraro kadibna dib looga soo laabto, balse waxaa howshaas fuliyay ciidamo ka tirsan Macawiisleyda.
Gobolada Galgaduud, Mudug, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeyo ciidanka huwanta iyo kooxda Al-shabaab.



