Weerar Gaari oo lagu dilay Shan Qof oo Shacab ah

Sida ay xaqiijiyeen booliiska Magaalada Tier oo ku taala galbeedka Jarmalka, shan qof ayaa dhimatey, dhowr iyo toban qofna wey dhaawacmeen kadib markii qof uu gaari jiirsiiyey dad marayey meelaha loogu talo galay in ay dadku maraan ee wadooyinka.

Booliska ayaa weerarkan u xiray nin 51 jir ah, kaasi oo sida la sheegay cabsanaa alcohol badan markii uu weerarka fuliyey.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inaysan fileyn in weerarkan ay ka dhiirigeliyeen arrimo la xiriira diin, siyaasad ama argagisixo.