Weerar dhanka Internetka ah oo lagu qaaday Ukrain

Ukrain-RisaalaFM- Weerar dhanka internetka ayaa lagu qaaday dalka Ukrain, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi.

Weerarkan lagu qaaday Ukrian ayaa waxa uu saameeyay guud ahaan shirkadaha dunida, waxaana shirkadii ugu horeysay uu saameeyay ay noqotay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Ukrain ayaa sheegay xukuumada in loo soo gudbiyay cabashooyin la xiriiira werarkaasi.

“Ku dhowaad laba boqol oo cabasho ah ayaa ina soo gaaray, waxaanu ku dadaadleynaa sidii aan wax uga qaban laheyn arrintaasi, waliba sida ugu dhaqsiyaha badan” Ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waaxda Arimaha Gudaha dalka Mareykanka dhankeeda waxa ay sheegtay in ay il gaar ah ku heyso weerarkaasi.