Talyaaniga oo xiray nin Soomaali ah

Italy-RisaalaFM- Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa sheegaya inay xireen nin Soomaali ah oo lagu eedeynayo inuu ku lug leeyahay tacaddiyo loo geystay dad magangelyo doon ah, ka hor safarkoodii Badda Medetrianka ay kaga soo talaabeen, kuna soo gaareen Siishilis.

Booliska ayaa baaritaano ay wadeen mudo ku dhow Todobaad waxaa u suuragashay in ay gacanta ku soo dhigaan ninkan, ayna u taxaabeen xabsiga, si cadaalada loo horgeeyo.

Booliska ayaa hada waxa ay ka shakisan yihiin ninkan in uu ka tirsan yahay urur caalami ah oo si sharci daro ah dadka u tahriibiya, xitaa mararka qaar dila.

Liibiyiinta dadka ku heysta goobaha ku yaalla gudaha Liibiya ayaa dhibaatoyin xun dadka u geysta oo xitaa mararka qaar dhacda in sida qofka ay u garaacayaan uu dhinto.

Labadii malmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa la soo badbaadiyay muhaajiriin gaareysa 5000, kuwaasi oo la soo gaarsiiyay dhanka Koonfureed ee Badda Medetrianka.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa in muddo ah sheegayey in muhaajiriinta soo mara dalka Liibiya ay la kulmaan xadgudubyo baahsan oo ay u gaystaan dadka ka ganacsada masaafurinta.