Weerar Al-Shabab lagu tuhunsanyahay oo ka dhacay Lamu

Saddex qof ayaa ku dhimatay kuwa kalana wey ku dhaawacmeen weerar lagu tuhunsanyahay in ay Al Shabab ku qaaday bas rakaab ah oo ku socday magaala xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Baska oo ka tagay magaalada Mombasa ayaa waxaa joojiyey rag hubaysan.

Weli ma cadda tirada dadkii saarnaa baska.

Maamulka degmada ayaa sheegay in booliska iyo ciidamada milateriga ay ku daba jireen kooxdii weerarka gaysatay oo la sheegay inay duurka u carareen.