Webiga Shabeelle oo ku Fatahay Magaalada Baladweyne & barakac ka bilowday Xaafado ka Tirsan Magaaladaas

Wararka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Webiga Shabeelle uu xalay ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne.

Wararka  ayaa intaas ku daraya  in Webiga Shabeelle uu fatahaada ka geystay  Xaafadaha , Howlwadaag iyo Buundaweyn Waxan Webiga uu wadaa biyo badan, islamarkaana laga cabsi qabay inuu fatahaad sameeyo ka geysto xaafado kale eek u yaalaa Magaaladaas.

Qoysaskii deganaa xaafadaha uu Webiga ku Fatahay ee Magaalada Baladweyne ayaa bilaabay in ay ka baracaan xaafadaha qaar ee Magaaladaas.

Hase’haatee ‘Fatahaada uu Webiga ka sameeyay gudaha magaalada Baledweyne ayaa ku soo aadeysa , iyadoo afartii sano ee lasoo dhaafay laga baaqsaday in fatahaad looga barakaco xaafadaha Baledweyne eexaruntaa gobolka Hiiraan.