Wayne Rooney oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah

Wayne Rooney ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa qaranka England.

Wayne Rooney waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka qaranka England,  kaasoo dhaliyey 53 gool ayaa waxaa uu maanta wadahadallo la yeeshay tababare Gareth Southgate oo maamula xulka England, isagoo haatan ku dhawaaqay inuu isaga fariistay xulka England.

“Xaqiiqatan kani waa go’aan adag, waana go’aan aan kala tashaday qoyskeyga, tababaraheyga Everton iyo dadka igu dhow,” Rooney ayaa sidaasi ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Inaan u ciyaaray England marwalba sharaf ayey ii tahay. Inaan kabtan u noqday xulka England ayaa sidoo kale sharaf ii ah waana u mahadcelinayaa qof walba oo i caawiyey. Laakiin waxaan hadda aaminsanahay in la joogo waqtigii ku habboonaa ee aan ka fariisan lahaa xulka England”.

Rooney ciyaarihii ugu dambeeyey ee England waa laga reebay, tababare Southgate ayaana haatan soo xulan karin gooldhaliyihiisa ugu sarreeya ciyaaraha Koobka Adduunka ee xagaaga soo aadan ka dhici doona dalka Russia.

Inkastoo tababaraha xulka England uu ka codsaday inuu xulka dib ugu ciyaaro hadana Rooney wuxuu qirtay in uusan arrinkaas awoodin isagoo 117 kulan u saftay xulka Three Lions.