Waxgaradka Puntland iyo Galmudug oo qodobo ka soo saaray dagaalka Gaalkacyo

Waxgaradka maamulada Galmudug iyo sidoo kale Puntland ayaa Maanta kulan ku yeeshay magaalada Gaalakcyo .

kulanka oo ahaa mid balaaran oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan waxgaradka gobolka Mudug ayaa laga soo saaray baaq ku aadan colaada u dhaxeysa maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradka ayaa soo saaray qodobo dhowr oo ay kaga hadlaayaan colaada ka taagan Gaalkacyo.

Waxgaradka Puntland iyo Galmudug  ayaa ugu dambeyn isku raacay in la joojiyo dirirta colaadeed, islamarkaana labada dhinac in ay joojiyaan xabadahaha goos goos ah  ee  ay isku ridaayaan labada dhinac.

Maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug ayay ka codsadeen in ay joojiyaan dagaalka oo ay qaadaan waan waanta ay wadaan waxgaradka gobolka Mudug.