Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminaayo, ayaa la filayaa inay gaaraan Magaalada Jowhar, halkaasi oo la filaayo inuu kaga qaybgalo Dhaarinta Xildhibaanada Maamulka HirShabelle.
Qaban qaabadii ugu dambeysay ee dhaarinta Xildhibaanada ayaa ka socota Magaalada Jowhar.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa masuuliyiinta dhismaha Maamulka Hirshabelle waxa ay ku howlanaayeen hubinta Xildhibaanada cusub ee Maamulka, inkastoo weli aanan lagu dhawaaqin tiradooda.


