Wax ka badal lagu sameeyay Qodobada qaar ee Dastuurka Hirshabeelle

Jowhar-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Hirshabeelle ayaa wax ka badal ku sameeyay qaar kamid ah qodobada Dastuurka Maamulkaas.

Kulanka maanta ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Hirshabeelle waxaa shir gudoomiyay Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas ayaa cod u qaaday wax ka bedelida qodobka 31-aad cutubkiisa 3-aad ee Dastuurka Hirshabeelle kaas oo diidayay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay qaban karaan xilalka heer wasiir ee maamulka Hirshabeele, hase yeeshee codkii loo qaaday in wax laga bedelo qodobkaan ayay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle cod aqlabiyad leh isugu raaceen in wax laga bedelo.

Xildhibaanada soo xaadirey kulanka oo ahaa 98 xildhibaan ayaa waxaa diiday 3 xildhibaan halka 1 xildhibaan uu ka aamusay, sidaa darteed ayaa qodobkaas uu ku noqday mid wax laga bedelay.

Ugu dambeyntii Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay cod u qaadeen qodobka 40-aad ee Dastuurka Hirshabeelle cutubkiisa 3-aad kaas oo qoraya in marka xilliga baarlamaanka uu dhamaado uu guddoomiyaha Maxkamada Sare kala diri karo baarlamaanka, waxaana ay isku raaceen in wax ka badal lagu sameeyo qodobkaas.