DHAGEYSO WAREYSI: Ku saabsan xaalada Tiyeeglow

Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan Shabaabkii la wareegay Deegaankaasi in ay dib uga baxeen.

Ka bixitaanka Shabaab ee Deegaanka Goof-gaduud ayaa waxa ay keentay in ay dib ula wareegaan Deegaankaasi Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda.

Kornel C/laahi Sheekh Maxamed oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Risaala ayaan arimahaasi ka wareysanay.