Cabdulaahi Maxamed Nuur oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii soo maray dalka, ayaa maanta ku guuleystay Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee ka soo gelaya deganada Hirshabeelle kadib Doorasho Jowhar ka dhacday.
Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa la tartamaayay Bashiir Cadow Calasow oo ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa helay Codadka Ergo gaaraysa 28 Ergo, taasi oo muujinaysa inuu xaqiijiyay Xubinada Kursiga Baarlamaanka ee Beeshiisa.


