Wasiiro hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka

 

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana ay kala ahaayeen Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka  iyo Cadaaladda.

Wasiirka Caafimaadka  ayaa warbixin ku aadan Hindise sharciyeedka Caafimaadka u soo gudbisay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wasiirka Caddaaladda ayaa Sidoo kale Hindise sharciyeedka musuq maasuqa oo ay soo diyaarisay wasaaradda Cadaaladda hor geeyey Xubnaha Golaha shacabka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa xubnaha Golaha Shacabku ka dhageysteen warbixin ku aadan wax ka badalka Xeerka Saxaafadda oo wasaaraddu ay soo gudbisay kadib markii wadatashiyo kala duwan ay kala soo sameysay bahda warbaahinta.