Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddiga Dastuurka

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta Arrimaha dib u eegista Dastuurka.

Waxaa uu la kulmay Guddiga Dastuurka labadal Aqal ee uu gudoomiyaha u yahay Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale ” Qeybdiid’

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo in ay muhiim tahay dardargelinta Howlaha Horyaalla Guddigaasi.

Guddiga Dastuurka labada Aqal ayaa Bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo ku aadan dib u eegista Dastuurka.