Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo maanta gaaray Laascaanood

Wafdi uu hogaaaminayay Wasiirka ganacsiga xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Geesood ayaa maanta waxaa uu gaaray magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.

Wasiirka ayaa waxaa uu kulamo uu la qaadan doonaa madaxda maamulka SSC Khaatuma ee ku sugan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu tagi doonaa Deegaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag.

Socdaalka mas’uuliyiinta uu hoggaaminayo wasiir Geesood ayaa imaanaya xilli maalmahan xiisad siyaasadeed ka taagan tahay degaannada gobolka Sanaag, halkaasi oo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ka wado dhaq dhaqaaqa ku biirista SSC-khaatumo.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta u dhashay Sanaag iyo Highland ee xilalka ka haya Puntland ayaa magaalada Badhan ka wada shirar ay la qaadanayaan odayaasha iyo waxgaradka degaanka, si ay uga hortagaan dhaq dhaqaaqa gobolkaasi loogu darayo SSC-khaatumo