Cali Balcad oo MW Hirshabelle uga digay qabashada doorasho dadban

Wasiiru dowladaha arrimaha dibada Soomaaliya Cali Balcad ayaa madaxweynaha Hirshabelle ugu digay qabashada doorasho dadban, isagoo ku eedeeyay inuu xiligan ku mashquulsan doorasho dadban oo xiligeeda dhammaatay.

“Waxaa nasiib darro wayn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay oo ay socoto diiwaan gelintii codbixiye yaasha, iyadoo aan maalin dhawayd arkaynay sawiradda Madaxwaynayaasha GalMudug iyo Koonfur Gabalbeed oo saf ugu jira is diiwaangelinta doorashada qof iyo cod in uu Maamulka HirShsbelle ee Madsxwayne Cali Guudlaawe ku mashquulsan yahay qabashada doorasha dadban oo uu xiligeedi dhamaaday.” ayuu yiri Cali Balcad.

Sidoo kale qoraalkiisa ayaa waxaa uu intaasi ku daray “Doorasho ku sheegta maanta lagu qabtay degmads Balcad waxay meel Ka dhac ku tahay heshiisyadii ay horay u gaareen GWQ iyo Shuruucdii ay ansixiyeen goloyaasha qaran.”

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa uu ku yiri “Waxaan ugu baaqayaa Madaxwayne Cali Guudlaawe sida saaxibadiisa Madaxwayne Ahmed Qoor Qoor iyo Madaxwayne Cabdicadiis Laftagareen in uu isku howlo diyaar garowga doorashada uu heshiiskeeda wax ka saxiixay oo aannu ku mashquulin doorasho xiligeedii dhamaaday abuuraysana qilaaf iyo iska hor imaad beelaha nabada ku wadanool.”