Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga qeyb galay Shirka Amaanka Munich (MSC) oo wadajir u soo qaban-qaabiyeen dawladaha Jarmalka iyo Ethiopia, kana qeyb galeen ku dhawaad 60 hogaamiyayaal sare oo ka socda qaaradaha Africa, Europe, Maraykanka iyo Ururo Caalami ah, iyadoo daaradda la saarayay ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada qeybo kamid ah Qaaradda Afrika oo Soomaaliya ay kamid tahay.
Khudbad uu shirka ka jeediyay Wasiir Diini waxaa kaloo uu ku xusay khatarta argagixisada ku hayso caalamka iyo sida loogu baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka looga soo horjeedo.
Dhanka kale, Wasiir ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxdii shirka ka soo qeyb galay, waxana ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka dhinacyadaasi kala dhexeeya Soomaaliya, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo taageerada dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.


