Wasiirka Cusub Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya   Salaax Jamaamac, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Wasaaradda  Axmed Macallin Fiqi xaqiijinta halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaas oo muddo gaaban lagu gaaray.
Mudane Saalax ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnimada Soomaaliya in ay ka muuqato astaamihii federaalka, isaga oo kula dardaarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama ay inta badan dhammeystiran yihiin shuruucdii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.