Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda maamul goboleedyada dalka ugu yeeray in ay ka soo qaybgalaan shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo inta u dhexaysa 20 illaa21-ka bishan ka dhici doona Muqdisho.
Warqada casumaad ah ayaa loo kala diray madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxaa shirka looga hadli doonaa arrimo masiiri ah oo ay ka mid yihiin la dagaallanka Alshabaab , dhammeystir dastuurka dalka iyo arimo kale.
Puntland ayaan ka qaybgalin labadii shir ee ugu dambeeyey, ku waas oo madaxda madashu ku yeesheen Baydhabo iyo Muqdisho, lamana oga jawaabta ay ka bixin doonaan casumaadda madaxweynaha Madaamaa Dawlad goboleedka Puntland dhawaan au sheegtay in Xiriirka ay u jartay Dawlada Federaalka Somalaiya ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku Eedeeysay in uu dastuurka ku tuntay .




